Guddiga gobolka Banaadir ee dhacdadii Siinaay oo soo gaba-gabeeyay wajiga koowaad ee baaritaanadooda

Mar. 03 (Jowhar.com)-Guddiga loo xilsaaray dhacdadii 27-kii bishii hore ka dhacday Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho ayaa goordhow soo saaray xogta baaritaanadooda oo wajigii koowaad ay soo dhamaatay.

Dhacdadaasi ayaa eheyd dagaal bar kontrol ku dhexmartay ciidan uu watay gudoomiyaha degmada Yaaqshid iyo askarta NISA ee ilaalada ka heysay kontrolkaasi, waxaana dagaalkaasi khasaaraha ugu badan uu soo gaaray dadka shacabka ah ee halkaasi ku sugnaa.

Guddigan oo ka kooban todobo xubnood oo kala ah gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo lix gudoomiye degmo ayaa maanta tagay Isbitaalka Digfeer oo ay ku jiraan dhaawacyada dadkii iska-horimaadkii Siinaay ku dhaawacmay iyo meydadka qaar oo aan wali la’aasin.

 

Waxa ay la fariistaan ehelka dhibanayaasha, iyagoo ku qanciyay iney aastaan meydadka Firinjeerka ku jira, iyadoo dhaawacyadana ay dabiibkooda kafaala qaadeen maamulka gobolka Banaadir.

Sida xogta guddigan soo saareen lagu cadeeyay waxaa dagaalkaasi ku geeriyooday 8 ruux oo shan kamid ah ay yihiin shacab, waxaana loo xiray 14 askari oo isugu jira kuwa barta kontrol joogay iyo kuwo la socday gudoomiyaha degmada Yaaqshid ee dagaalka qeybta ka ahaa, waxaana kiiskooda loo gudbiyay hay’adaha garsoorka.

Dhinaca bur burka hantiyadeed, waxaa guud ahaan halkaasi ka dhashay
Khasaaro gaarayo  gubashada mooto bajaaj,
gawaarida yar yar ee qaada adeegyada, waxaa sidoo kale ay wax gaareen gaarigii
Gudoomiyaha degmadaYaqshid, midka Gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada yaaqshiid iyo mooto bajaj kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More