Baashi Xoosh oo maanta lagu aasayo magaalada Istanbul dalka Turkiga

Allaha u naxariistee meydka marxuum Baashi Xoosh Jibriil ayaa maanta lagu aasayaa qabuuro ku yaal magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Baashi Xoosh ayaa burcad ku dishey magaalada Istanbul toddobaadkii la soo dhaafay waxaana Janaasada lagu tukanayaa 11:00 ka barqannimo. xilliga dalka Turkiga,Goobtuna waa: Zincirlikuyu Mezarligi ESENTEPE, ZINCIRLIKUYU MEZARLIGI SISLI 34394, ISTANBUL.

Baashi ayaa ahaa Qareen Soomaaliyeed wuxuu la dhashay Wasiirka hore ee dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Labaduba waxay xilliyo kala duwan adeeg sharciyeed u fuliyeen in badan oo ka mid ah Soomaalida Canada iyo Mareykanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More