Afhayeenka Gudiyadda doorashooyinka oo ka warbixiyey halka ay marayso doorashada dalku

Afhayeenka Gudidda doorashooyinka Amb Axmed Safiina ayaa ka warbixiyey halka uu marayo hanaanka doorashada Dalku,isagoo xusay in ay hadda meel wanaagsan marayso inkastoo uu xusay in caqabado soo wajaheen hore u socodka doorashada Golaha shacabka.

Amb Safiina ayaa xusay in hore Doorashadu uga socotay Kuraasta Gobolada waqooyi oo kuraastooda muqdisho lagu qabanayey,sidoo kale maamulada Koonfur galbeed iyo Galmudug, ayaa iyaguna qabtay dhankooda iyadoo haddana maamulka Jubaland shaaciyeen qabashada 14 kursi oo ka mida kuraasta Golaha shacabka ee lagu soo doorto Jubaland

Afhayeenka ayaa sheegay in sidoo kale Gudidda doorashada Beelaha Banaadirigu shaaciyeen qabashada 5 kursi oo lagu dooran doono Gobolka Banaadir maalmaha innagu soo aadan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More