Bangiga Adduunka oo ka walaacsan deymaha uu Shiinaha siinayo Afrika

Apr. 02 (Jowhar.com)-Gudoomiyaha Bangiga Adduunka ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay qaar kamid ah deymaha waddanka Shiinaha uu ku bixinayay horumarinta dhaqaalaha Afrika.

David Malpass ayaa sheegay in shuruudaha lagu xirayo daymahaas ay yihiin inay noqdaan kuwo “aad loo daah-furo”.

Hadalka waxa uu imanayaa xilli uu jiro walaac laga qabo in dalal ay kamid yihiin Ghana iyo Zambia ay la daalaa dhacayaan sidii ay isaga bixin lahaayeen deymaha ay ka qaateen Beijing.

Shiinaha ayaa sheegay in deynkasta ee uu bixiyo ee noocaas ah loo maro xeerarka caalamiga ah.

Dalalka soo koraya ayaa badanaa waxay lacag ka soo amaahdaan wadammo kale ama hay’adaha waa wayn si ay u maalgeliyaan waaxaha dhaqaalahooda kobcin doona sida kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada iyo beeraha.

Si kastaba xaalku ha ahaadee, kaddib markii sannadkii la soo dhaafay uu Mareykanka iyo dalalka kale ee uu dhaqaalahoodu buuranyahay ay sare u qaadeen heerka lacagaha dulsaarka ah ayaa taasi waxa ay dib u bixinta amaahda ka dhigtay mid aad qaali u ah, sababtoo ah lacago badan oo amaah ah ayaa lagu qaatay lacago qalaad sida doolarka Mareykanka iyo lacagta Euros.

Taasi waxa ay dhibaato gaar ah oo wayn ku tahay wadammada dhaqaalahoodu uu soo korayo ee ay ku adkaan karto inay helaan lacago dheeraad ah ee ay u baahanyihiin maadaama qiimaha lacagtoodu ay hoos u dhacdo.

Waa “laba jibaaran yahay waxayna taasi ka dhigantahay in kobaca dhaqaalaha uu noqon doono mid gaabis ah”, ayuu yiri Mr Malpass.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More