Hey’adda Hormuud Salaam Foundation oo deeq lacag ah gaarsiisay xarunta Maamo Ugaaso.

Apr. 02 (Jowhar.com)-Hormuud Salaam Foundation ayaa deeq lacageed waxa ay gaarsiisay xarunta maama ugaaso oo lagu xanaaneeyo Caruur laga soo kala aruuriyay wadooyinka muqdosho kuwaasi oo ahaa darbijiif.
Deeqdaan oo isugu jirta lacag iyo timir ayaa hay’adu ugu talagashay in wax loogu qabto baahiyaha ka jira xarunta oo lagu daryeelo caruurta danyarta ah oo ku taala magaalada Muqdisho.

Gudoomiye Ku xigeenka hay’adaHormuud Salaam Foundation Raaxo Xuseen Xirsi oo ka hadashay munaasabada deeqda lacagta ayaa sheegtay in lacagtan loogu talagalay in wax looga qabto xarunta maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee ramadaan.

Siraad Maxamed Nuur MaamoUgaaso oo xanaaneesa caruurtan ayaa kaga mahadcelisay hay’adda Hormuud Salaam Foundation deeqda lacageed oo ay soo gaarsiisay iydoo tilmaamtay inay tahay hey’ada kaliya ee soo xasuusata marka la gaaro bisha barakeysan ee ramadaan.

Caruurta lagu haayo xarunta oo hada barta quraanka ayaa uga mahadceliyay hormuud salaam foundation booqashada ay soo booqatay.
Hormuud Salaam Foundation waxaa maalmihii la soo dhaafay ay ka wadeen gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, gargaar isugu jira raashin iyo lacag waxaana ka faa’iideystay dad aad u farabadan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More