Barnaamijyada TRS ee arrimaha tahriibka oo lagu soo bandhigay sheekooyin naxdin leh ee safarada tahriibka

Qaxootiga Soomaalida ee ku nool magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, oo ka qeyb-galay barnaamijyo taxanayaal ah oo ay daadihisay Ifraax Axmed, oo ah gabar u ololeeysa arrimaha bulshada, ayaa ka hadlay mid kamid ah dhibaatooyinka ugu xun ee maanta ay wajahayaan Soomaalidda, dhibaatadaasi oo ah tahriibka.

Saddex gabdhood iyo saddex wiil oo dhammaantood waaya-arag u ah arrimaha tahriibka, ayaa qeyb-ta koowaad ee barnaamijka kaga hadlay sababaha dhallinyarada Soomaaliyeed ku qasbaya in ay aadaan safarka halista badan, oo ay dhibaatooyin badan kala kulmaan jidka iyo sababta mukhalasiinta ay uga dhaadhiciyaan dhallinyarada in ay si nabad ah ku geynayaan Yurub. Mid kamid ah dadka ayaa ka sheekeysay sheekadeeda gaarka ah.

“Dalkeeyga dagaallo sokeeye ayaa ka jiray markii aan tahriibay. Waxaan ka imid Mogadishu. Deriskayagii way qaxeen, laakiin anniga waan iska joogay sababtoo ah waxaan ilaalinayay gurigeenna. Kaddib markaasi waxaan arkay xaaladdu inay kasii darayso maalinba maalinta ka dambaysa. Waxaan go’aansaday inaan cararo. Waxay ahayd go’aankeyga shaqsiyeed. Dhibaatooyin kale oo badan ayaa sidoo kale jiray. ”

Inta badan ka qeyb-galayaashu waxay isku raaceen in amni darada ay tahay sababta ugu weyn ee dhalintu ay uga cararaan dalkooda Soomaaliya, laakiin inbadan oo kamid ah sidoo kale waxay qabaan dhibaatooyin kale, sida shaqo la’aan iyo rajo beel dhinaca mustaqbalka ah.

Mukhalasiinta waxaa ay ku sababaan dhallinyarada sheekooyin iyo balanqaadyada macaan, waxaana ay u sheegayaan dhallinyarada in safarka ay ku tagayaan Yurub uu yahay mid fudud, ammaan ah, oo gaaban. Mid ka mid ah haweenka ka qeyb-gashay barnaamijka ayaa tiri:

“Weli waxaan xasuustaa sidii farxada laheyd ee uu mukhalaska iiga qaatay lacagtayda. Anniga kaliya ma uusan i dhicin, laakiin sidoo kale dad badan oo Soomaaliyeed ayuu dhacay. Mukhalaska waxaa uu dhacay dad badan, xitaa qaar kamid ah dadka ayuu iibsaday. ”

“Marka safarkooda uu bilowdo, tahriibayaasha waxaa ay haliso aan lasoo koobi karin ay kala kulmi doonaan doomo si xad dhaaf ah dad loogu soo raray, dhulka saxaraha ama gacanta kuwa dadka afduubta. Tahriibayaasha waxaa ay goob-joog u noqon doonaan dhibaatooyin aan laga sheekeyn karin, kuwo badan oo kamid ah tahriibayaasha ma badnaadi doonaan,” gabar kale oo ka qeyb-gashay barnaamijka oo ka hadleysay khibradeeda naxdinta leh ayaa sidaasi tiri.

“Kuwa ka ganacsada waxyaabaha sharci darrada ah ayaa na afduubtay. Qaar naga mid ah ayaa adoon ahaan loo iibiyay. Dadka qaar ayaa lagu qasbay inay ku biiraan kooxdeena, xitaa haddii aysan rabin inay safraan. Mukhalisiinta ayaa xoog ku qaatay. Qaarkeen ayaa si xun loo garaacay qaarna xitaa waa dhinteen. Qaar baa waxaa ka lumay oggaalkooda. Tahriib ma sahlana. Mukhalisiinta wax ay tahriibka ka dhigayaan wax fudud, laakiin waxaa jirta khatar dhab ah.”

Xubnahii ka qeyb-galay barnaamijyada ayaa isku raacay in sida ugu wanaagsan ee looga hortagi karo ku dhimashada tahriibka ay tahay in la faafiyo runta ku saabsan waxa ku dhaca dadka tahriibaya ama tahriibayaasha. Laakiin dhibka jira ayaa ah in dhalinyarada Soomaaliya aysan dhageysan doonin digniinaha.

Borobogaandada mukhalasiinta aad ayey u xoogantahay. Xitaa marka kuwii kasoo badbaaday tahriibka ay dib ugu soo noqdaan guryahooda oo ay ka sheekeyaan wixii ay kala soo kulmeen tahriibka, dadku wey diidaan in ay rumeystaan:

Mid ka mid ah sababaha arrimahan dhiiragelinaya waa fariimaha dhagarta ah ee dadka ay soo dhigayaan baraha bulshada. Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo ku nool Yurub iyo meelo kale oo iska dhigaya inay nolol wanaagsan heystaan ayaa soo bandhigaya sawirro iyaga oo xiran dhar qurxoon oo hor taagan gawaarida raaxada.

Xubnaha ka qeyb-galay barnaamijka ayaa dhammaantood isku raacay in sheekooyinkaasi iyo sawirradaasi beenta ah ay sii xoojinayaan mukhalasiinta. Halka qaar kamid ah dadka qurbaha ku nool oo aan rabin in wajigooda la arko ay sheegeen in aysan heysanin daqli soo galo isla markaana ay gaajeysanyihiin, halkan dooda noocaasi ah ay noqotay mid xamaasad leh.

“Waxaan ugu yeeri lahaa baraha bulshada wakiiladda mukhalisiinta,” ayuu yiri nin. Haweeney ayaa ka soo dhex-gashay oo tiri: “Waxaad arki doontaa dad aan dabooli karin baahiyahooda aasaasiga ah, in sawirro qurxu badan ay soo dhigaan baraha bulshada. Markaas dadku waxay aaminayaan in dadkaasi ay nolosha ku raaxeysanayaan oo ay baashaalayaan. ”

Gabagabadii, Ifraax Axmed oo xiriirineysay barnaamijka ayaa uga mahadcelisay ka qeyb-galayaasha doodoodda xiisaha badan, taas oo ka qeyb ka qaadan doonta wacyigalinta dhallinyarada ee khatarta tahriibka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More