Beesha Caalamka “Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo sabab u noqon karta dib u dhac kale oo dheeraad ah”

May 10 (Jowhar.com)– Wakiilada beesha caalamka ayaa war ka soo saaray halka ay mareyso diyaar garowga doorashada madaxweyne ee Soomaaliya, iyagoo soo dhaweeyay mudada loo cayiman iney qabsoonto doorashada ee ah 15-ka bishan May oo ku beegan maalinimada AXada ee toodbaadka danbe.

Qoraal wadajir ah ay soo saareen ayey ku sheegeen iney soo dhaweynayaan halka  ay mareyso diiwaan gelinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha, iyagoo rajeeyay in si nabad ah ku qabsoonto doorashada, si dalka uu u yeesho hoggaan cusub.

“Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya waxay soo dhoweynayaan ku dhawaaqista guddiga qabanqaabada baarlamaanka ee ah in doorashada Madaxweynaha ay dhici doonto maalinta Axadda ee 15ka bisha Maajo 2022. Waxaa na dhiirigelinaya horumarka wanaagsan ee laga gaaray diiwaangelinta musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo u diyaargarowga kale ee loogu jiro inaan laga dib dhicin waqtiga kama dambeysta ah ee doorashada” ayaa lagu yiri qoraalkan oo la soo dhigay Xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya.

Wakiilada beesha caalamka ayaa dhinaca kale digniin adag ka soo saaray dib u dhac ku yimaada xiliga lagu balamay in la qabanayo doorashada madaxweynaha, iyagoo sheegay in xildhibaanada labada aqal looga baahan yahay iney xal deg deg ah ka gaaraan caqabad kasta oo hor-istaagta qabsoomida doorashada madaxweynaha.

“Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo sabab u noqon karta dib u dhac kale oo dheeraad ah. Iyadoo labada Aqal ee Baarlamaankaba la dhaariyay oo si buuxda u shaqeynayaan, arrin kasta oo doorasho oo taagan waa in ay xalliyaan madaxda baarlamaanka ee sida saxda ah loo doortay” ayey hadalkooda sii raaciyeen.

Waxa ay sidoo kale sheegeen “Waxaan ku boorinaynaa madaxda Soomaaliya inay si degdeg ah, nabdoon oo kalsooni ku dheehan tahay ku soo gabagabeeyaan marxaladdan kama dambeysta ah ee geeddi-socodka doorashada si loogu soo jeesto arrimaha dalka iyo dowlad-dhisidda ee mudnaanta leh”.

Qoraalkan waxaa wadajir u soo saaray Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More