Diiwaan gelinta musharixiinta oo malaintii 3aad gashay iyo Deni oo qaatay shahaadada.

May 10 (Jowhar.com)– Waxaa maanta gashay maalintii 3-aad ee diiwaan gelinta musharixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee Soomaaliya, iyadoo maanta ay tahay malainta u dnabeyso ee guddiga sheegeen iney soocneyso diiwana gelinta, waxaana ay soo xirmeysaa gelinka danbe ee maanta.

Xubnaha maanta is diiwaan galiyay waxaa kamid ah madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni, isagoo xarunta aqalka sare ee ka socoto shaqada guddiga uu la tagay xildhibaano 30 gaaraya oo ka kala socda Puntland iyo Jubaland, wuxuuna muujinayay saameyntiisa, walow aan wali la gaarin maalinta doorashada ee 15-ka bishan.

Mushariixnta kale ee is diiwaan galisay waxaa kamid ah Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi iyo Maxamed Amiin Faarax, waxaana shahaadada gudoonsiiyay Senator C/qani Geele Maxamed oo ah gudoomiyaha guddiga doorashada madaxweynaha.

Guddiga isku dhafka ah ee ka kala socda golaha shacabka iyo Aqalka Sare ayaa gelinka danbe ee maanta la filayaa iney qabtaan shir jaraa’id oo ay ku faah faahinayaan shaqada ay soo qabteen saddexda malain iyagoo sidoo kale soo bandhigi doona guud ahaan magacyada is diiwaan galisay iyo sidoo kale jadwalka hadal jeedinta musharixiinta oo si toos ah u bilaabaneysa maalinimada beri oo Arbaca ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More