Beesha Caalamka oo boggaadisay wada hadalka RW Rooble iyo Musharaxiinta

Beesha Caalamka ayaa soo dhoweeyay sii socoshada wada hadalada u dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta, kaddib shirkii 25 bishii Febraayo ee guusha ku soo dhammaaday.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa looga codsaday Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha inay ku tallaabsadaan horumar hor leh.

Inkastoo Beesha Caalamka aanay xusin baaqii xalay ka soo baxay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga dhammaaday Farmaajo ee ahaa in 4 bishan la isugu yimaado Shir ayaa waxay haddana ku booriyeen Madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada inay qabtaan shir madaxeedkii la qorsheeyay maalmaha soo socda, si loo xaqiijiyo qorsheyaasha fulinta ee heshiiskii 17kii Sebtember, loona soo gabagabeeyo dib u eegista soo-jeedintii Guddiga Farsamada ee 16kii Febraayo si geedi-socodka doorashada uu u bilaawdo iyadoo aanay jirin dib u dhac dambe.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay soo saaray war saxaafadeed uu shir isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, shirkaasoo ah hal maalin oo dhici doona maalinta khamiista ee soo socota.

Beesha Caalamka ayaa maalmihii la soo dhaafay ku dhiiragelinayay Ra’iisul Wasaaraha inuu qaato doorkiisa wada hadalada xal u helida arrimaha doorashada, inkastoo tallaabadaas uu qaaday, lana heshiiyay Musharaxiinta, haddana waxaa loo arkaa baaqa xalay ka soo yeeray Madaxweyne Farmaajo inay daciifineyso doorkii laga filayay inuu qaato Mr Rooble.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More