Boqor Burhaan “go’aanka SSC wax dhibaato ah uma geysan doono jiritaanka Puntland”

Dec 23 (Jowhar.com)-Boqor Burhaan Boqor Muuse oo kamid ah hoggaanka sare ee Isimda Dhaqanka Puntland ayaa si kulul uga hadlay go’aanka ay qaateen Iismada Dhaqanka ee SSC, kaasoo ahaa ineysan wax xildhibaano usoo xuli doonin Puntland.

Boqor Burhaan oo qoraal kusoo daabacay bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in go’aanka SSC Khaatumo uusan wax dhibaato ah u geysan doonin jiritaanka Puntland.

Waxa uu ku baaqay shir deg deg ah oo looga tashanayo aayaha Puntland, isagoo Iismada Dhaqanka ka dalbaday iney kasoo wada qeyb galaan shirkaasi oo kusoo beegmay xilio xasaasi ah oo Puntland ay doorasho isu diyaarineyso.

“Waxaan ku baaqayaa in Isimmada Puntland shir degdeg ah isugu yimaadaan si looga tashado aayaha Puntland. Waxaan maamulka Puntland, Musharixiinta iyo Siyaasiyiinta kale ugu baaqayaa in meel la iska dhigo faraqa u dhexeeya loona midoobo badbaadinta Puntland.” Ayuu yiri Boqor Burhaan.

Isimada Dhaqanka SSC iyo madaxweyne Firdhiye ayaa si cad u sheegay ineysan 17-kii xildhibaan ay ku lahaayeen Puntland ay isaga hareen oo aaney soo xuli doonin, waxeyna shaaciyeen iney ka madax banaan yihiin maamulkaasi.

Arrintan ayaa keentay jahwareer kale oo siyaasadeed, maadaama ay horay Puntland ula daala dhaceysay khilaaf xoogan oo ka dhashay doorashooyinka maamulkaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More