Booliska Muqdisho oo soo bandhigay burcad dhac ka geysanayay degmada Waaberi

Apr. 02 (Jowhar.com)-Ciidamadda booliska degmada Waaberi ayaa gacanta kusoo dhigay laba ruux oo ku eedeysan dhac ay xalay ka geysanayeen xaafado ka tirsan degmadaasi.

Eedeysanayaashan mid kamida waxa uu watay Bistoolad caag ah uu dadka ku dhacayay, halka kan kalena uu ahaa wadaha mooto bajaajta wax lagu dhacayay.

Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir oo soo bandhigay eedeysanayaashan ayaa sheegay in sharciga la horgeyn doono, si talaabo ku haboon looga qaado.

Degmada Waaberi waxaa mudooyinkan laga cabanayay burcad dhac u geysata dhalinyarada xiliyada habeenkii, iyadoo taasi ay bar bar socotay howlgalo ay wadeen laamaha amaanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More