Boqor Buurmadow “waxaan u aragnaa digasho iyo meel ka dhac hadalka Rooble”

April 04 (Jowhar.com) –Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa naqdiyay talaabada ra’iisul wasaare Rooble uu ku amray in lagu fasoxo lacag ku dhow $12 Milyan oo loogu tala galay dadka uu saameeyay dabkii baabi’iyay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Boqor Buurmadow oo wareysi siiyay TV-ga Horncable ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya iyo shacabkeeda ay ka filayeen gurmad balaaran, balse uu la yaabay in caawimaad looga dhigo lacag markii horeba loogu talagalay Somaliland balse Muqdisho uga xanibneyd.

“Maanta dowladda Soomaaliya waxaan ka sugeynay iyo ra’iisul wasaaruhu inay ku dhowaaqaan dhaqaale walaaltinimo oo iyagu ina taraan, laakiin waxaan u aragnaa in digashooyin iyo meel ka dhac ku tahay dhaqaalaha ay xanibeen inay maaanta ka dhigaan wax ay ina siinayaan,” ayuu yiri Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow.

Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney dhexda u xirtaan sidii ay gurmad u gaarsiin lahaayeen walaalohood ku hanti beelay dabka Hargeysa, isagoo dhinaca kaleba tilmaamay iney filan waa ku noqotay go’aanka ra’iisul wasaare Rooble.

“Wallaahi hadalkaa ra’iisul wasaaraha uu ku hadlay arrinkaa ma aan fileyn maanta inuu ka hadlo runtii waxaana u arkaa inay jidgooyo ku tahay. Dhaqaalaha kani waa dhaqaale Somaliland horey ay uga xanibtay dowladda federaalku oo 12 milyan ahaa oo qasnad isaga jirtay oo loo diiday dadkii abaaruhu sameeyeen oo caalamku nasiiyey oo Soomaaliya nasiin,” ayuu hadalkiisa ku soo xiray.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More