C/kariin Guuleed oo ka hadlay qabashada Ruun- Nirgood, fariinna u diray maamulada kale.

Dec. 22 (Jowhar.com)-Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay guulaha ay Hirshabelle ka gaartay dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab iyo qasaashada Ruun- Nirgood oo eheyd degmadii u danbeysay ee ay kooxda ka heysatay maamulkaasi.

Mr. Guuleed oo qoraal hanbalyo iyo dardaaran ah soo dhigay bartiisa Facebook ayaa dhinaca kale ku taliyay in la aado deegaanada dhaca Galbeedka oo ay tuulooyin yar yar wali kooxda Shabaab ay kaga dhuumaaleysanayaan.

“Hambalyo reer Hirshabele oo ayagoo isku duuban kaashanayana ciidamada Xoogga Dalka ka xoreystay cadowga argagaxisada ah degmadii ugu danbeysay ee maamulkooda. Degmadaas oo ah degmada Ruun- Nirgood. Waxaana rajeynayaa in deegaanada galbeedka ee maamulka ee ay wali ku sii harsan yihiin haraadiga cadowga deg deg ay oga xoreysan doonaan” ayuu yiri mudane Guuleed.

C/kariin Xuseen Guuleed oo hore ugu tartamay xilka madaxtinimo ee Soomaaliya, xilal wasiirna soo qabtay ayaa maamul goboleedyada kale ugu baaqay iney bilaabaan dagaalka ka dhanka ah Shabaab, si kooxda aysan dib isaga soo abaabulin deegaanadooda.

“Waxaan ku boorinayaa dowlad gobaleedyada kale in ay ku daysadaan maamulka Hirshabele iyo shacabkooda oo ay si deg deg ah iskaga kor qaadaana reeryada cadowga iyo gumeysigiisa” . ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Si kastaba, Hirshabelle oo kaliya ayuu haatan ka socdaa dagaalka ka dhanka ah Shabaab, waxeyna khuburada amniga ku talinayaan in kooxda inta tabar daran tahay la is raaciyo oo aan fursad loo siin si aysan dib ugu soo karaar qaadan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More