Ciidamadda dowladda oo Shabaab kala wareegay degmadii u danbeysay ee Hirshabelle.

Dec. 22 (Jowhar.com)-Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday iney la wareegtay degmada Ruun-nirgood ee gobolka Sh.Dhexe oo ehey ddegmadii u dambeysay oo ay Shabaab ka heysteen maamulka Hirshabelle.

Afhayeenka Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jeneraal C/llaahi Cali Caanood oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in kooxda Shabaab ay isaga carareen degmada, haatanna ay ka socoto miino baar, ciidanka dowladdana qaarkood ay sii baacsanayaan firxadka kooxda.

“Degmada Ruun-nirgood cadowga waa ka yaaceen, ciidamada ayaa ku sugan oo howlgal ka wada qaraxyo ayaa laga raad raadinayaa, ciidana wuxuu kusii jiraa baacsiga cadowga,” ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee dowladda federaalka Soomalaiya.

Jeneraalka ayaa dhinaca kale sheegaya in howlgaladii u dambeeyay ee ay ka sameeyeen aagga degmada Ruun-nirgood ay ku dileen 150 Shabaab ah oo ay ku jiraan 5 Ajaanib ah, maxbuus ahaanna ay u hayaan 15 Shabaab ah.

Waxa uu sheegay in howlgalada ay usii talaabi doonaan deegaano horleh, maadaama la xoreeyay Hirshabelle, wuxuuna ciidamadda amniga ku amaanay dadaalkooda naf hurninada leh.

“Mar dhow waxay ciidamada u gudbi doonaan dowlad goboleedyada kale oo ay howlgalladu ka bilaaban doonaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More