C/raxmaan C/shakuur oo kulamo taageero loogu raadinayo gurmadka Abaaraha ka wado Nairobi.

June 17 (Jowhar.com)-Kulanka hore oo qado ahaa ayaa waxaa ka qeyb ahaa xubno ka socday safaaradda boqortooyada Ingriiska oo uu hoggaaminayay u qeybsanaha arrimaha gargaarka bini’aadannimada, waxaa sidoo kale kulanka goobjoog ka ahaa wakiil Safaaradda Iswiidhan metelayay.

Waxaa inbadan laga dooday sida safaaradaha wadamadaanu uga qaybqaadan karaan dardargelinta arrimaha gargaarka, sare u qaadidda wacyiga ku aaddan ogaalka abaaraha ee debedda iyo gudaha iyo sidoo kale helista deeqo dheeri ah.

Xubnaha oo si dhow ula shaqeynaayay xafiiska ergayga ayaa ballanqaaday joogtaynta kaabidda iyo gacan siinta xafiiska ergeyga.

Dhanka kale kulanka danbe oo casarkii qabsoomay ayaa waxa kasoo qaybgalay xubno ka kala socday hayadaha , NRC, Safe the Chilldren, UNDP, UK Embessy iyo International Lifestock Research Institute.

Xubnaha hayadahaan metelayay oo u badnaa kuwa si gar ah uga shaqeeya arrimaha la xiriira isbeddelka cimilada ayaa xogo badan ka siiyay Ergeyga halista weyn ee ka imaaneysa isbedelka cimilada iyo sidoo kale dhibaatooyinka xaalufinta dhirta. Waxaana intaas kadib laga dooday mudnaanta helista xalwaara oo loo helo arrimmaha soo noqnoqda ee fatahaadaha iyo abaaraha.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More