DEG DEG: Qarax Xooggan oo ka dhacay magaalada kismaayo.

June 17 (Jowhar.com)- Wararka naga soo gaaraya magaaada kismaayo ayaa sheegaya in qarax xooggan uu goor dhow ka dhacay magaalada, iyadoo qaraxa kadibna la maqlay rasaas culus.

Wararka hordhaca ah ee la helayo waxa ay sheegayaan in qaraxa oo ahaa Miino lagu xiray guri uu xaafadda kibooro ka dagan yahay sarkaal ka tiran ciidamadda amaanka, iyadoo uu jiro khasaare dhaawacyo ku kooban oo gaaray qoyska sarkaalka weerarka lagu qaaday.

Wali meynaan ogaan magaca sarkaaka la beegaaday iyo khasaaraha qaraxa ku gaaray qoyskiisa, waxaana goobta tagay ciidamo boolis iyo NISA ah kuwaaso aagga xirray, waxeyna wadaan howlgalo baaritaana ah.

Wixii soo kordha halkan kala soco.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More