Cabdirashiid Janan oo gaaray Beled-Xaawo lana kulmay Taliyaha Nabadsugida

Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan uu gaaray magaalada Beled-Xaawo halkaa oo uu kulamo kula yeeshay saraakiil ka tirsan Sirdoonka Qaranka oo uu hoggaaminayo Taliyaha Nabadsugida Fahad Yaasiin.

Guud ahaan ammaanka magaalada Beledxaawo ayaa aad loo adkeeyay iyadoo halkaa ay gaareen ciidamo badan oo galbinayay taliyaha nabadsugida.

Wararka ayaa sheegayaan in kulankooda dhameystir u yahay heshiis muddooyinkan laga soo shaqeynayay, waxaana la filayaa in C/rashiid Janan galabta la geeyo magaalada Muqdisho, iyadoo diyaaradda qaadi laheyd ay taagan tahay garoonka diyaaradaha Doolow.

Cabdirashiid Janan ayaa la sheegay in ciidamo badan oo uu wato uu ku wareejinayo dowlada federalka isla markaana lagu biirinayo ciidamada dowlada.

Dowladda Federaalka ayaa xabsiga dhigtey Cabdirashiid Janan bishii Augost ee 2019-kii hase yeeshee waxa uu ka baxsaday 1dii September 2019.

Hay’adda Amnesty International oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeysay Cabdirashiid Janan in uu masuul ka ahaa dembiyo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo xadgudubyo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More