Cabdiwahaab Ugaas oo loo magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa lagu bedelay Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar oo iska diiday xilkaas, markii laga soo wareejiyay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

C/wahaab Ugaas ayaa horay u soo noqday Ra’iisul Wasaaare Kuxigeen iyo Wasiirka Ganacsiga dowladdii Kumee gaarka aheyd, gaar ahaan Xukuumaddii C/weli Gaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More