Cabdkariin Xuseen Guuleed;”Mas’uuliyadda Doorashada waxa ay saaran tahay Golaha Wadatashiga Qaran”

Musharax Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in mas’uuliyadda doorashada ay saaran tahay Golaha Wadatashiga Qaran, gaar ahaan Madaxda dowlad Goboleedyada iyo guddiyadooda doorasho oo iyaga gaar u ah mas’uuliyadda fulinta doorashooyinka, isagoo xusay in haddii dhaliil iyo gaabis jirana ay tahay wax dhankooda ka jira.

Qoraalkan ayaa u muuqda mid jawaab u ah eedeyntii C/raxmaan C/shakuur u jeediyay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Dowlad Goboleedyada ayaa maamulayay doorashada Aqalka Sare ee ka dhacday Xarumaha dowlad goboleedyada, halka tan Golaha Shacabka ay ka dhaceyso min labo deegaan doorasho.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka uu soo saaray Cabdikariin Xuseen Guuleed;

Waxaan wada ognahay in masuuliyadda doorashada ay saaran tahay Golaha Watashiga Qaran guud ahaan, gaar ahaanna madaxda dowlad gobaleedyada iyo gudiyadooda oo ayagu la gaar ah masuuliyadda fulinta doorashooyinka. Haddii dhaliil iyo gaabis uu jirana runtii xagooda ayey jirtaa oo fartu ku godan tahay.

Waana xaqiiq dhab ah in dhaliilo waaweyn ay ka jiraan habsami u socodka doorashooyinka. Haddii ay ahaan laheyd jiitanka iyo daaha ama xagga hufnaanta iyo kalsoonida lagu qabi karo sida ay wax u socdaan.

RW Maxamed Xuseen Rooble waa ku amaanan yahay dowrka shariifka ah ee uu ka qaadanayo dardargalinta doorashooyin iyo habsami u qabsoomidooda intaba. Waxaana laga doonayaa RW Rooble inuu sii laba laabo dadaaladiisa uu ku doonayo qabsoomidda doorasho hufun oo lagu kalsoonaan karo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More