Cabdulaahi Cosoble Siyaad oo ku geeriyooday magaalada Dubai

Allaha u naxarisitee Cabdulaahi Cosoble Siyaad ayaa ku geeriyooday magaalada Dubai ee isutagga Imaaradka Carabta halkaa oo uu degenaa.

Cabdullaahi Cosoble Siyaad wuxuu ahaa siyaasi weyn oo muddo dheer u soo shaqeeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Wuxuu ahaan jiray Wasiirkii Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya. Waxaa kale oo uu dalka usoo qabtay xilal kala duwan.

Cabdulaahi Cosoble ayaa ah aabaha Cali Cabdulaahi Siyaad oo noqday madaxweynihii ugu horeyay ee dowlad goboleedka Hirshabelle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More