CabdulaahI Cumar Abshirow oo loo doortay guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka

April 28(Jowhar.com)- Xildhibaan Cabdulaahi Cumar Abshirow ayaa ku guuleystey xilka gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Shacabka kadib markii uu ka guuleystey xildhibaankii hore u hayay xilkaas Mahad Cabdalla Cawad.

Wareegii ugu dambeeyay ayuu xildhibaan Abshirow ka guuleystey Mahad Cabdulaahi Cawad,waxana ay taasi ka dhigtey in guddoonkii hore ee baarlamaankii hore ay dhamaan waayeen xilalkooda haatana xildhibaanada ku guuleystey xilalka ugu sareeya golaha shacabka ay yihiin kuwo cusub.

Doorashadii guddoonka golaha shacabka oo markii ugu horeysay xubin ka noqotay haweeney ayaa sidaas ku soo gabagabowday waxaana la filayaa in ay maalmaha soo socda ku dhawaaqaan xilliga la qabanayo doorashada Madaxweynaha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More