Caro xooggan oo ka dhalatay dilka Israel ay u geysatay sarkaal Iiraan u dhashay

Apr 02 (Jowhar.com)-Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu dilay weerar loo aaneeyay Israa’iil oo ka dhacay dhismaha qunsuliyadda Iran ee Dimishiq Isniintii.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah Sarreeye Guuto Maxamed Reza Zahedi oo ka mid ah saraakiisha ugu sarraysa ee ilaalada kacaanka, sida uu sheegay ururkan ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Iran.

Weerarka ayaa burburiyay dhismo dhowr dabaq ah oo ku dhagan safaaradda Iran ee ku taal degmada Mezzeh ee caasimadda Suuriya.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Iran iyo Suuriya ayaa cambaareeyay weerarka, waxayna farta ku fiiqeen Israa’iil oo ciidankeedu ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suuriya, diyaaradaha Israa’iil ayaa weeraray dhismaha qunsuliyadda iyafoo kasoo galay buuraha Golan Heights 5:00 galabnimo. wakhtiga maxaliga ah ee Isniinta.

Sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya qiic iyo boor ka soo baxayay haraadiga dhismaha dumay iyo dhaq dhaqaaqyada gurmadka.

Safaaradda Iran ee ku taal daarta ku dheggan uma muuqato in uu soo gaaray burbur weyn.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More