CCShakuur:”Midowga Musharaxiinta kuma kala qeybsana Mowqifka Doorashada”

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame kana mid ah Midowga Musharixiinta ayaa beeniyay in Midowga Musharaxiinta ay ku kala qeybsan yihiin mowqifka doorashooyinka.

Wareysi uu siiyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu sheegay in Midowga Musharaxiinta ay ku mideysan yihin 14 musharax oo uu guddoomiye u yahay Shariif Sheekh Axmed mana aha mid ay xisbiyo ku mideysan.

Wareysi dheer oo uu siiyay TV-ga Universal wuxuu sheegay in dowlad Goboleedyada iyo dad kale ay diidan yihiin in la saxo doorashada, isla markaana ay ku andacoonayaan inay sidaan ku socoto leyskana daayo, iyaga oo aaminsan in Farmaajo uusan markale xukunka kusoo laabaneyn.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ay ku baaqeen in shir wadatashi ah la sameeyo isla markaana ay doonayaan in bulshada Soomaaliyeed ay ka tashato sidii loo badbaadin lahaa dalka Soomaaliyeed.

Wareysigan ayuu siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu ku eedeeyay dowlada Soomaaliyeed aysan dadka waxba u qaban balse horumarka dalka ka jira ay yihiin kuwo dadka ay qabsadaan.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa wareysigan ku beeniyay in siyaasadiisa ay ku lug leedahay dowlada Imaaraadka Carabta waxana uu sheegay inaysan jirin dal ay marti uga yihiin siyaasada dalka Soomaaliya waxana uu ku celceliyay inaysan taageerin xukuumada Imaaraadka.

Wareysigan ayuu ku sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones ay yaalaan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho uuna Farmaajo u aaday dalka turkiga sidii awood loogu siin lahaa inuu adeegsado diyaaradahaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More