CCWarsame:”Kursiga Yaasiin Fareey loo boobay waa nabar la filayey naxdin ma leh”

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay go’aanka ay ku dhawaaqeen guddiga xallinta khilaafaadka kaasoo ay ku sheegeenin uu sax yahay habraaca loo maray kursiga Yaasiin Farey.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayuu ku bilaabay musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame;

“Go’aanka Guddiga Xallinta Khilaafaadka ay ku xalaaleeyeen kursiga Yaasiin Fareey loo boobay waa nabar la filayey naxdin ma leh. Labo ujeeddo midkood ayaana la doonayaa in uu xaqiijiyo. Tan hore, waa la in lagu banaysto kuraasta loo boobayo Farmaajo, jid-gooyana loogu dhigto kuraasta lagu boobo degaannada gacantiisa ka baxsan.Haddii tan hore socon wayso waa in doorashada oo idil la foolxumeeyo, Farmaajana sheegto in doorashooyinka dalka la boobay, natiijadeedana aan la aqbali karin, eedana dusha ka saaro Rooble iyo dawlad goboleedyadda.”

Ugu dambeyntii qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayuu ku soo gabagabeeyay talo uu u soo jeedinayo cid uusan magacaabin oo ka mid ah siyaasiyiinta.

“Ma jirto mar uu Farmaajo aqbalayo doorasho hufan oo si daahfuran lagula tartamo. Waxaase ii muuqda qolo damac wado, iyo kuwo lagu yiri yaan lagu duufsan, welina dabinnada la qoolayo fahmin, laakiin uu waagu ku baryi doono mar ay xeero iyo fandhaal kala dhaceeen. Dalkaan dawadiisu waa doorasho hufan, ama dadkoo talada loo celiyo.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More