Dalka Kenya oo laga helay kiisas nooca cusub ee Covid 19 ee Omicron

Kenya ayaa diiwaan gelisay kiisaskii ugu horreeyey ee Korona fayraska cusub ee Omicron oo laga helay illaa saddex ruux sida uu sheegay wasiirka caafimaadku.

Gudaha dalka Kenya ayaa laga soo sheegayaa in lagu arkay dad badan oo qaba hargab iyadoo si xoog leh uu ugu faafayo hargabkaas.

Dadka laga helayo cudurka Covid-19 ee dalka Kenaya ayaa laba jibbaarmay, waxaana Talaadadii oo kaliya la diiwaan geliyey 331 kiis oo cusub, waana tiradii ugu badnayd ee waayadaan la diiwaan geliyo.

Wadarta guud ee kiisaska Covid-19 ayaa joogta 256,815 oo ay ku jiraan 5,349 oo dhisho ah.Dowladda ayaa ku baaqaysa in dadku ay tallaalka qaataan.

Maxkamad ku taal Kenya ayaa Talaadadii hakisay amarkii dowladda ee ahaa in dadka aan la tallaalin laga mamnuuco inay helaan adeegyada laga bilaabo 21ka December.

Toddobaadkii hore ayaa Uganda waxay ku dhawaaqday in laga helay kiisas Omicron Covid-19 ah iyadoo noocan cusub uu yahay dalkii ugu horeeyay ee laga helo wadamada gee sheego Bariga Afrika.

Ugu yaraan 13 waddan oo Afrika ku yaalla ayaa laga soo sheegay kiisas cudurka Omicron ah, oo ay ku jiraan Rwanda, Uganda, Senegal, Zambia, Tunisia, Mozambique, Namibia, South Africa, Botswana, Zimbabwe, Ghana iyo Nigeria, sida ay sheegtay Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Afrika (CDC).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More