Ceelwaaq oo la doonayo in loo waeeejiyo doorashada kuraasta Garbahaareey

Mar 22 (Jowhar.com) – Maamulka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegay inay diyaariyeen Teendho loogu tala galay in lagu qabto doorashada/xulashada 16 kursi ee taal Garbahaarey.

Sida wararki tilmaamayaan, Teendhadan ayaa laga dhisay agagaarka Garoonka diyaaradaha Ceelwaaq, iyadoo ammaanka degmadaas gacanta ku hayaan Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Amisom.

Maamulka Jubbaland ayaa horay u shaaciyay liiska 16 kursi, waxaana uu qorsheynayaa inuu ka wareejiyo Garbahaarey oo ka mid aheyd heshiiskii 17 September, Garbahaarey waa deegaan doorashada labaad ee Jubaland balse waxaa guddiga doorashada ku adkaatay tagista deegaankaas.

Lama oga sida kooxda Farmaajo ay u liqi doonaan hindisahan socda ee lagu doonayo in kuraasta dhiman ee Jubaland lagu qabto Ceelwaaq, iyadoo aan la ogeyn sida ay u aqbali doonaan, xili laga warqabo in ciidan badan oo NISA ah ay geysteen gobolka Gedo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More