Dib u dhac ku yimid Doorasho maanta ka dhici lahayd Beledweyne

Mar 22 (Jowhar.com) – Waxaa dib u dhac ku yimid doorashada labo kursi oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadeedu tahay magaalada Beledweyne.

Kuraasta HOP#063 iyo HOP#011 oo lagu waday in maanta lagu qabto doorashadeeda magaalada Beledweyne ayaan qabsoomin,waxayna xubno ka mid ah guddiga doorashada Hirshabelle ay sheegeen inay u baaqatay doorashadan sababo farsamo awgeed.

Illaa 9 murashax ayaa la siiyay shahaadada musharaxnimo kursiga tirsigiisu yahay HOP#063 halka kursiga HOP#011 ay ku tartamayaan labo musharax.

Maamulka Hirshabelle iyo Maamulka Jubbaland ayaa weli soo gabagabeyn doorashada golaha shacabka iyadoo maamulada kale ay soo gabagabeeyeen doorashada golaha shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More