Ciidamada Danab oo howlgalo ka sameeyay deegaano ka tirsan Sh/dhexe

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ayaa HOwlgal Qorshaysan ka sameeyey degaano ku yaal jiinka wabiga Shabelle kuwaasoo u dhexeeya degmooyinka Jowhar iyo Balcad.

Deegaanaada howlgalada laga fuliyay ayaa waxaa ka mid ah Xawaadleey,Shanloow Jameeco, Yaaqle, Dhagaxoow oo dhamantood hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Saraakiisha Ciidamada DANAB ayaa sheegay in intii uu howlgalku socday lagu dilay Saraakiil iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo gaaraya 15 isla markaana lagu burburiyey Goobo Maxakamad iyo Goobo ay lacagaha dadka uga qaadayeen.

Deegaannada howlgalka Maanta laga sameeyay ayaa dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay waxaa gacanta ku haayay Al-Shabaab, balse dhawaan ay la wareegeen Ciidamada Kumaandooska DANAB.
Hase yeeshee wararka waxa ay sheegayaan in deegaanada howlgalada laga fuliyay ay ciidamada DANAB dib uga laabteen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More