Ciidamada Dawladda oo kaabiga ku haya magaalada Camaara kaddib markii Al-Shabaab laga saaray Bacaadweyne

Sep 17 (Jowhar.com)- Ciidamada Dawladda oo ay taageerayaan miliishiyooyinka deegaanka ayaa dagaal muddo kooban socday kaddib Al-Shabaab kala wareegay maamulka magaalada Bacaadweyne oo qiyaastii 7 km u jirta magaalada Camaara ee Gobolka Mudug.

Wasiirka Amniga ee Galmudug Maxamed Cabdi Aden (Gaboobe) ayaa BBC-da u xaqiijiyay in ciidamada Dawladdu ay si buuxda ula wareegeen magaalada Bacaadweyne.

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhaawacmay dagaalka saaka ka dhacay Bacaadweyne, sida ay sheegeen illo wareedyo deegaanka ah.

Ciidamada Dawladda iyo kuwa deegaanku waxay sidoo kale dagaal la’aan kula wareegeen deegaanka Qaycad oo ka tirsan isla Gobolka Mudug, wax yar uun kaddib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab.

Ciidamada ka kala baxay jiidaha Wisil iyo Xin-Labi ayaa hadda ku kulmaya duleedka Camaara oo la sheegay inay isaga baxeen kooxdii gacanta ku haysay ee Al-Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More