Shabaab oo weerar culus ku qaaday ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay gobolka Bakool

Sep 17 (Jowhar.com)-Warrarka ka imaanaya Gobolka Bakool ayaa sheegaya in saaka dagaal culus uu ku dhexmaray deegaanka Booco oo ku dhaw degmda Rabdhuure ciidamo itoobiyaana oo kolonyo ah oo ku socday degmada Waajid iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo waddada u galay.

Ciidanka Itoobiya oo ka soo gudbay xuduudda ayaa ku socday degmada Waajid kahor inta aanay waddada u galin koox hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab sida ay sheegeen illo wareedyo deegaanka ah.

Lama oga baaxadda khasaaraha uu dhaliyay dagaalka hadda ka socda duleedka Rabdhuure, waxaase la soo weriyay in hub culus laga maqlayo aagga uu dagaalku ka socdo.

Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in tan iyo salaaddii subax ay maqlayeen hubka labada dhinac ay isku ridayaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More