Ciidamada Israaiil oo ku dhaawacay Masjidka Al-Aqsa 152 Falastiiniyiin ah

April 15 (Jowhar.com) – Booliiska Israa’iil ayaa gudaha u galay dhismaha Masjidka Al-Aqsa ee ku yaalla bariga magaalada Quddus ee la haysto, iyadoo dhaqaatiirtu ay sheegeen in ugu yaraan 152 falastiiniyiin ah ay ku dhaawacmeen rabshado dhacay.

Guddiga maamula masjidkan ayaa sheegay in booliiska Israa’iil ay si xoog ah u galeen ka hor waaberigii Jimcihii, iyadoo kumannaan qof oo cibaadaysanaya ay isugu soo baxeen masaajidka si ay ugu tukadaan salaadda subaxnimada hore.

Muuqaalo lagu faafiyay khadka internetka ayaa muujinayay Falastiiniyiinta oo tuuraya dhagxaan iyo booliiska oo ridaya sunta dadka ka ilmeysiisa iyo bambooyinka gacanta laga tuuro.

Qaar kale ayaa soo bandhigay dad cibaadeysanayay oo isku gadaamay gudaha masjidka iyadoo ay ku dhex jireen wax u muuqday daruuro sunta dadka ka ilmeysiisa.

Hay’adda gargaarka degdega ah ee Bisha Cas ee Falastiin ayaa sheegtay inay u daadgureysay inta badan dhaawacyada isbitaallada.

Awqaafta ayaa sheegtay in mid ka mid ah ilaalada goobta laga toogtay isha rasaasta cinjirka ah.
Bisha Cas ee falastiiniyiinta ayaa intaa ku dartay in ciidamada Israa’iil ay hor istaageen imaatinka gaadiidka gurmadka degdega ah iyo shaqaalaha caafimaadka ee masjidka, iyadoo warbaahinta falastiiniyiintu ay sheegeen in tobaneeyo qof oo dhaawac ah ay weli ku xayiran yihiin dhismaha masjidka.

Ciidamada booliiska Israa’iil ayaa sheegay in ay xireen ugu yaraan 300 oo falastiiniyiin ah intii lagu jiray xiisaddii ugu dambeysay. Ilo-wareedyo Falastiiniyiin ah ayaa tirada ku sheegay 400 oo qof.
Waxa ay intaasi ku dartay in xiisadaasi ay ku soo beegantay iyadoo kooxaha Yuhuuda ee midigta fog ay ku baaqeen in la weeraro dhismaha Masjidka Al-Aqsa inta lagu guda jiro Ciida Ciidul Adxaa ee Yuhuuda, isla markaana lagu bixiyo Xayawaanaadka barxadda uu ku leeyahay, taasi oo aan dhicin wakhti hore.

Xiisada ayaa cirka isku shareertay toddobaadyadii la soo dhaafay. Israa’iil ayaa xadhig iyo hawlgallo millatari ka wadday Daanta Galbeed ee sida sharci-darrada ah loo haysto, ka dib weerarro isdaba joog ah oo ay Falastiiniyiintu ka geysteen gudaha Israa’iil, halkaas oo ay ka dhaceen isku dhacyo dhawr Falastiiniyiin ah lagu dilay, oo ay ku jiraan 7 ka mid ah tan iyo Arbacadii.

Mudaaharaadyo toddobaadyo socday iyo weerarro lagu qaaday Al-Aqsa bishii Ramadaan ee sannadkii hore ayaa isu beddelay weerar 11 maalmood qaatay oo lagu qaaday marinka Gaza ee go’doomiyey.

Dagaalku wuxuu horseeday dhimashada ugu yaraan 260 Falastiiniyiin ah, iyo sidoo kale 13 Israa’iiliyiin ah, iyo burbur weyn oo soo gaadhay dhulkii markii horeba faqiir ahaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More