Ciidamadda dowladda iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay magaalada Muqdisho.

Sept. 06 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo xalay xaafado kamid ah magaalada Muqdisho uu ku dhexmaray ciidamo ka tirsan dowladda iyo rag hubeysan oo Shabaab ah.

Sida wararku sheegayaan, dableyda Shabaabka ah ayaa weeraray degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir gaar ahaan  halka lagu magacaabo Cali agoon oo fariisin u ah Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ay gaadiidka ku baaraan.

Mudo kudhow saacad ayey dagaalamayeen labada dhinac, waxaana lasoo wariyay in Haweeney goobta caano ku iibineysay ay dagaalka ku geeriyootay, halka ay dhaawacyo soo gaareen Haweeney kale oo iyana caano iibineysay iyo cunug yar.

Lama oga khasaaraha kala gaaray labada dhinac ee dagaalantay, iyadoo ciidamadii la weeraray ay si adag isaga caabiyeen dagaalamayaashii Shabaabka ahaa ee duulaanka ku soo qaaday.

Si kastaba, weerarkaasi ayaa kusoo beegmaya xili ciidamadda dowladda ay aroortii hore ee shalay weerareen deegaanka basra ee gobolka Sh.Dhexe, halkaasoo saldhig, maxkamad iyo goob ay canshuuro uga qaadaan dadka ganacsatada u eheyd kooxdaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More