Uhuru Kenyatta oo si aan la fileynin uga hadlay go’aanka maxkamadda sare ee Kenya.

Sept. 06 (Jowhar.com)-Madaxweynaha xilka ka degaya ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa markii ugu horreysay ka hadlay natiijada doorashada tan iyo markii la qabtay codbixintii 9-kii August, isagoo aan si gaar ah u soo hadal qaadin magaca William Ruto balse si guud u hambalyeeyay.

“Aniga oo ilaalinaya ballan qaadkii aan sameeyay ee ahaa in aan sharciga ilaalinayo markii aan u dhaartay xafiiska, waxaan ballan qaadayaa in aan fulin doono amarada maxkamadda sare” ayuu yiri Mr Kenyatta. Waxa uu sidoo kale u xaqiijiyay Kenyanka in ay dhici doonto xil wareejinta oo si habsami leh loo agaasimay .

Uhuru Kenyatta ayaa horraan sheegay in uu si cad u taagersanyahay ninka ah hoggamiyaha mucaaradka, shacabka kenyanka ah ayuuna ugu baaqay in codadkooda ay siiyan.

“waxaan ku boorrinayaa dalka iyo dadka in la ixtiraamo hay’adaha iyo hoggaamiyayaasheena cusub” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sannadkii 2017-kii, madaxweynaha laftiisa ayaa guushiisii ​​ isla maxkamaddu ay laashay.

William Ruto ayaa sheegay in cid kasta oo isaga mucaarad ku ahayd uu la shaqeyn doono waliba si hufan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More