Ciidamadda dowladda oo la wareegay deegaano kaabiga ku haya Ceelbuur

Aug 24 (Jowhar.com)-Ciidanka XDS iyo kuwa deegaanka ayaa caawa ku hoyanaya duleedka magaalada qadiimiga ah ee Ceelbuur, waxaana ciidanku maanta dagaal kooban kula wareegeen deegaanka DAC oo qiyaastii 17KM u jirta Ceelbuur.

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa saddex jiho ka kulaalaya Ceelbuur, iyadoo qorshuhu yahay in berri gudaha loo galo magaaladaas.

Magaalada Ceelbuur ayaa ka mid aheyd magaalooyinkii lagu qabtay howlgalkii Badweynta Hindiya ee muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo qeyb ka ahaayeen AMISOM, waxaana bishii March 2014 la wareegay ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda oo is garab-sanay.

Hase ahaatee kooxda AS ayaa dib ula wareegay April 2017, markii ay ka baxeen Ciidanka AMISOM ee Itoobiya ka socday iyo ciidanka dowladda. Waxaa xusid mudan in 9 sano kaddib gulufka lagu qabanayo Ceelbuur iyo deegaanada kale ay keli ku yihiin Ciidanka XDS iyo kuwa deegaanka oo iska kaashanaya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More