Ciidamadda dowladda oo la wareegay magaalada Bacaadweyn

Sep 17 (Jowhar.com)- Ciidanka Xoogga dalka, Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo geesiyaasha difaaca shacabka ayaa si buuxda ula wareegay magaalooyinka Bacaadweyn, Qaycad iyo dhammaan dhulka u dhaxeeya Qodqod iyo magaalada Camaara.

Wararka Camaara ka imanayo ayaa sheegaya in Shabaab ay hadda isaga carareen magaaladaan ka dib markii dhammaan difaacyadii magaaladaan ay ka ilaalinjireen lagu soo jabiyay.

Ciidanka Xoogga dalka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa hadda ku sugan daafaha magaalada, waxaana socda howlgallo sifayn ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More