Ciidamadda dowladda oo Shabaab kala wareegay deegaano ka tirsan Mudug

Sep 16 (Jowhar.com)- Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa Khawaarijta ka qabsaday deegaannada Sargo iyo Qodqod oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Hawlgalkaasi waxaa lagu dilay in ka badan 30 Khawaarij ah, iyada oo sidoo kale cadawga looga gubay afar gaari, lagana qabsaday labo gaari iyo hub badan.

Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka oo ku jira hawlgalka sifeynta ayaa maleeshiyaadka Khawaarijtu waxa ay isku dayeen in ay dagaal kala hortagaan dhanka deegaanka Qodqod ee ku yaalla duleedka magaalada Camaara, waxaana halkaas loogu gaystay cadawga jab xooggan.

Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa shacabka geesiyaasha ah ee go’aansaday in ay cadawga ummadda Soomaaliyeed ee Khawaarijta ah iska dul qaadaan garabna istaagaan Ciidanka qaranka.

Waxaa ka go’an Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed in la ciqaabo dhagar qabeyaasha Khawaarijta ah ee ku dhiirran falalka shacabka iyo dalka lagu dhibaateynayo isla markaana ka dhaga adayga in ay ka haraan fikirka iyo ficilada Khawaarijta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More