Ciidamo qeyb ka noqonaya dagaalka Shabaab oo tababar loogu soo xiray dalka Uganda

Jul. 01 (Jowhar.com)-Wadanka Uganda waxaa tababar loogu soo xiray ciidan fara badan oo ka tirsan kuwa loo xilsaaray xasilinta caasimadda, iyagoo soo bandhigay waxyaabaha ay soo barteen.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Maxames Nuur oo ka qeyb galay xirista tababarkan ayaa sheegay in ciidankan oo gaaraya laba guuto
Ay qeyb ka noqonayaan gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan maanta Dalka Uganda tababar ugu soo xirey 2 guuto oo ka mid noqoneysa CXDS kuwaas oo dhiig cusub ku soo kordhin doona dagaalka Khawaarijta aan kula jirno” ayuu yiri.

Waxa uu amaan kala duldhacay dowladdaha Uganda iyo Imaaraatka Carabta oo tababarista iyo bixinta qarashka ku kacaya iska kaashaday.

“Waxaan u mahadcelinaayaa Dowlada UAE iyo Uganda taageeradooda hagar la’aaneed ee ay la garab taaganyihiin Shacabka iyo Dowlada Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More