Cali Guudlaawe;”Hirshabelle Ma aha xisbi la soo galo ama laga baxo”

Jul. 01 (Jowhar.com)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi xuseen oo munaasbadda Xornimmada iyo Midnimada 1-da Luulyo awgeed ka hadlayay xalay magaalada Jowhar ayaa sheegay in Hirshabelle uusan ahayn xisbi laga baxo ama la soo galo balse qofka mas’uuliyada haynayso ay tahay muddo kooban.

Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweynaha Hirshabelle ayaa khudbadiisa xalay munaasabada 1da luuliyo waxa uu si aan toos ahayn uga hadlay xaalada ka jirta gobolka Hiiraan oo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo xildhibaano heer federal ah oo ka soo jeeda Hirshabelle ay sheegeen inay kabaxeen Maamul goboleedka Hirshabelle ayna sameysteen maamul la magic baxay Hiiraan State.

“Cid kasta oo u dhalatay deegaanka Hirshabelle waxaan u sheegayaa qeybta ay ka qaadan karto ha ka qaadato,dowlad goboleedkana noqon meyso,mana aha Hirshabelle xisbi laga baxayo waa sidaad ugu dhalatay deegaankaan waadna ku jireysaa intaad nooshahay qeybtaada ka qaado taladaada anagana waan u nuglaaneynaa talo walba oo la keeno.”ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe.

“Qof kasta oo mas’uuliyad hayso muddo kooban ayay leedahay mudadaas ha lagula shaqeeyo midka beri imanayana halala shaqeeyo waxayna u dan tahay dadka iyo deegaanka in la wada shaqeeyo.”ayuu sii raaciyay Madaxweyne Guudlaawe.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa khudbadiisa ku sheegay in laga qaban doono Hirshabelle doorasho ay dadka ku soo dooranayaan madaxdooda waxana uu ugu baaqay shacabka Hirshabelle inay ka qeyb qaataan dhismaha golayaasha deegaanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More