Ciidanka Nabadsugidda oo howlgal qorsheysan ka fuliyey gobolka Sh/hoose

Apr. 21 (Jowhar.com)- Qoraal ka soo baxay Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa lagu sheegay in iyadoo iskaashi laga helayo saaxibada Caalamiga ah ay ka fuliyeen inta u dhaxaysa deegaannada Ugunji iyo Mubaarak ee gobalka Shabeellaha Hoose.
Howlgalkan ayaa la sheegay in lagu diley inkabadan labaatan ka mid ah Alshabaab halka tiro intaa kalana ay ku dhaawaceen.

“Habeenimadii Khamiista oo taariikhduna ahayd 20-ka Bisha ayaa Maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee howlgalkan lagu beegsaday waxa ay isku abaabulayeen dhul hawd ah, Sirdoonka Qaranka oo helay xogtooda ayaana iyaga oo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ah ka hortagay dhagarta ay la damacsanaayeen shacabka Soomaaliyeed.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Hase yeeshee warka ka soo baxay ciidanka nabadsugida ayaan lagu sheegin nooca uu ahaa howlgalka iyo in ay ka qeybqaateen diyaarado.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Nabadsugida Qaranka;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More