Dacwad ka dhan ah Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo loo gudbiyay Madaxda dalka

April 20 (Jowhar.com) – Qaar kamid ah Agaasimayaasha iyo shaqaalaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa waxay cabanayaan xadgud ay sheegeen inuu kula kacay Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdi Sheekh Axmed.

Shaqaalahan wasaaradda ayaa ka cabanaya in Wasiirku si gaar ah ugu beegsaday tuhun la xiriira in ay faafiyeen dokumentiyo qarsoodi ahaa oo loo gubdiyey shirkaddo cabasho ka gubdiyey Wasiirka.

Wasaaradda Boostada ayaa waxaa maalmahaan dambe ka soo baxayey cabasho la xiriirta isdabamarin, waxayna ahayd todobaadkii hore markii seddex shirkad oo ka cabanayo isdabarmin Mashruuc uu maalgelinayey Baanka Adduunka (WORLD BANK) ay cabasho ka gudbiyeen Wasiirka.

Aqriso qoraalka ka dhanka ah ee laga gudbiyay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More