Guddiga Doorashooyinka Federal oo u digey xubno ka mid ah oo gaaray Garbahaarey

Guddoonka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ayaa digniin u direy xubno ka mid ah guddiga FEIT oo gaaray magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.
Qoraal uu soo saaray guddiga ayaa ku sheegay in xubin walba oo guddigan FEIT ka tirsan oo qaada talaabo aan waafaqsaneyn go’aannada guddiga ee ku sifooba wax caqabad ku ah hanaanka geedi socodka iyo dhameystirka doorashooyinka, cawaaqib xumada ka dhalatana ay masuuliyadeeda iyagu qaadi doonaan.

Warqadda kasoo baxday Guddoonka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ayaa sitoos ah ugu socota Xubno kamid ah Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ee shalay tegay degmada Garbaahareey, kuwaas oo sheegay inay doorashada 16 kursi halkaasi ku qaban doonaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More