Dad beeralay ah oo lagu diley duleedka magaalada Beledweyne

Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ugu yaraan shan ruux lagu diley tiro kalana lagu dhaawacay iskahorimaad ka dhacay deegaanka Kabxanley ee duleedka Waqooyi ee magaalada Beledweyne.

Iskahorimaadkan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo lahaanshaha dhul beereed ku yaal deegaanka kabxanley oo qiyaastii 20km ka xiga dhinaca Waqooyi magaalada Beledweyne.

Xiisad colaadeed ayaa ka jirta deegaanka uu iskahorimaadkan ka dhacay iyadoo waxgaradka iyo duqeyda dhaqanka ay wadaan dadaal ay ku doonayaan inay wax uga qabtaan xiisadan colaadeed.

Deegaano ka mid ah gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka jira khilaaf la xiriira lahaanshaha dhulkaas iyadoo hore ay uga dhaceen deegaanadaas iskahorimaadyo sababay dilal iyo barakac.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More