Dad loo afduubtay dilkii Ikraan Tahliil oo la sii daayay

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in la sii daayay saddex dhalinyaro ah oo dhawaan ay koox dabley ah ku afduubteen magaalada Beledweyne.

Dadaalo ay sameeyeen odayaasha Dhaqanka, waxgaradka aya ugu dambeyn ku guuleystey in ay sii daayaan dhalinayradan.

Odayaasha dhaqanka dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa u kala wareejiyey labada Beelood dhalinyaradii Lagu haayey xaafada Howl-wadaag ee Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale dhalinyaradan la sii daayay ayaa ku soo beegantay xilli Ra’iisul Wasaare Rooble uu shaqo joojin ku sameeyay agaasimihii Nabad Sugida Fahad Yaasiin,balse uu ka soo horjeestey Madaxweynaha muddo xilledkiisa dhamaaday ee Farmaajo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More