Dadaalo diblumaasiyadeed oo loogaga hortagayo in dagaal uu ka dhaco Addis Ababa oo bilowday

Dadaalo diblumaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu baajiyo weerar lagu soo qaado caasimadda Itoobiya ayaa si xowli ah u socda, kadib markii ciidamada Tigreega ee ka soo jeeda waqooyiga dalkaasi ay todobaadkan u soo dhaqaaqeen dhanka magaalada.

Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Jeffrey Feltman, ayaa bilaabay dadaalo lagu doonayo in loogaga hortago dagaal inuu ka dhaco Addis Ababa waxana uu ku cadaadinayaa labada dhinac ee isaga soo horjeeda siyaasada dalka Itoobiya inay bilaabaan wada-hadalo xabbad joojin ah.

Dhanka kale, ururka, urur goboleedka IGAD, ayaa codsaday xabbad-joojin degdeg ah. Waxay ku boorisay dhinacyada inay is-xakameeyaan, dejiyaan xiisadaha, khilaafkoodana ku xalliyaan wadahadal.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Arbacadii soo saaray bayaan uu ku yiri “waa in dagaalka la joojiyo!”

Waxa uu ugu baaqay dhinacyada iska soo horjeeda in ay hubka dhigaan oo ay dagaalka joojiyaan, oo ay wada hadlaan, isla markaana ay helaan waddo nabad waarta.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay inuu kala hadlay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed in xabada la joojiyo lana wadahadlo.

Dadka deegaanka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay Arbacadii in dad badan oo Tigray ah la xiray, balse Fasika ayaa sheegay in xarigga uusan ku saleysneyn qowmiyad.

“Waxaan qabaneynaa kaliya kuwa si toos ah iyo si dadbanba u taageera kooxda argagixisada ah ee sharci darrada ah,” ayuu yiri. “Tani waxaa ku jira taageero niyadeed, dhaqaale iyo dacaayad.”

Waxa uu sidoo kale sheegay in dad badan ay hub ka diiwaan gelinayaan saldhigyada booliska ee magaalada, iyadoo la raacayo amarkii dowladda ee Talaadadii lasoo dhaafay ee ahaa in dadku ay u diyaar garoobaan difaacida xaafadaha.

“Qaar xitaa waxay la imaanayaan bambaanooyin iyo hub culus, sidoo kale waan diiwaan gelinaynaa,” ayuu yiri.

Waddooyinka iyo dukaamada magaalada Addis Ababa oo ay ku nool yihiin ku dhawaad ​​shan milyan oo qof, ayaa saaka oo Khamiis ah ahaa kuwo mashquul badan, inkastoo qaar ka mid ah dadka deegaanka ay sheegeen in laga dareemayo xasillooni darro.

“Waxaa jira warar la isla dhexmarayo oo ku saabsan qaabka ay jabhaddu u wajahday, dadku waxay ka doodaan colaadda, inta badan dadka waxay ku eedeeyaan dowladda wixii dhacay,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo magaciisa qariyay.

Xukuumada Abiy ayaa ku dhawaaqday xaalad deg deg ah Talaadadii iyadoo ciidamada Tigreega ay ku hanjabeen inay horay ugu sii socon doonaan magaalada Addis Ababa.

Ciidamada Tigreega ayaa ku sugan magaalada Kemise ee gobolka Axmaarada oo 325 km (200 mayl) u jirta caasimadda, sida uu Arbacadii sheegay afhayeenka TPLF Getachew Reda.

Afhayeen u hadlay Abiy, Billene Seyoum, ayaa ku eedeeyay warbaahinta caalamiga ah in ay cabsi xad dhaaf ah ka tabinayaan Itoobiya.

Arbacadii, Britain waxay ku boorisay muwaadiniinteeda inay ka fiirsadaan inay ka baxaan Itoobiya inta ay jiraan ikhtiyaaro ganacsi.

Colaada ayaa bilaabatay sanad ka hor markii ciidamada daacada u ah kooxda TPLF oo ay ku jiraan qaar kamid ah askarta ay la wareegeen saldhigyo ciidan oo ku yaala gobolka Tigray. Isagoo arrintaas ka jawaabaya, Abiy wuxuu u diray ciidamo dheeraad ah gobolka waqooyi.

Ciidamada Tigreega iyo xulafadooda Oromada ayaa horumaro la taaban karo sameeyay usbuucii la soo dhaafay. Afhayeenka Getachew ayaa Arbacadii ballan qaaday in ay yareynayaan khasaaraha ka dhalan kara weerarkooda Addis Ababa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More