Dagaal culus oo ka socda deegaanka Daaru-Nicma iyo qaraxyo la maqlayo

Sep 04 (Jowhar.com)-HAl-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday deegaanka Daaru-Nicma ee hoostaga degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasoo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidamadda dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

 

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya inuu goobta ka socdo dagaal culus, iyadoo labada dhinac ay is-weydaarsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana rasaasta laga maqlayaa deegaano ka fog halka dirirta ay ka socoto.

Dadka goobjoogayaasha ah ayaa sidoo kale kusoo waramaya in mararka qaar la maqlayo qaraxyo cul culus oo ay Shabaabku adeegsanayaan, si dhab ah looma oga khasaaraha rasmioga ah ee labada dhinac kala gaaray.

Kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay ku baahisay baraheeda bulshada ku sheegatay iney cagta marisay ciidankii ku sugnaa deegaanka, ayna khasaare xooggan gaarsiiyeen, majirto ilo madax banana oo xaqiijinaya sheegashada kooxda.

Si kastaba, Daaru-Nicma ayaa ah deegaan istaraatiiji ah oo ay dhowaan laga qabsaday kooxda Al-Shabaab, waxayna aheyd maalmo kahor markii uu taliyaha ciidamad Xoogga dalka uu min hal darajo dalacsiiyay dhammaan askarta difaaca adag kaga jirta gudaha deegaankaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More