Xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo isu soo dhiibay ciidamadda xoogga dalka

Sep 04 (Jowhar.com)-Hafow Cabdulqaadir Ibraahim oo magaciisa afgarashada Shabaab uu ahaa (Saabir ) kana tirsanaa Nabadiidka Alshabab ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Qeybta 60-aad.

Hafow ayaa muddo 1-sano ah Khawariijta u qaabilsanaa Jabhadda, wuxuuna ka soo howlgaley deegaano ka tirsan Jubbada Hoose iyo Bakool.

Ugu dambeyn wuxuu baaq udiray saaxibadiisa kale ee ku jira Khawariijta in ay isaga soo baxaan oo ay isku dhiibaan ciidanka dowladda.

Kooxda Al-Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday qorshe ay isugu soo dhiibeyso ciidamadda xoogga dalka, dadka isa soo dhiibaya ayaa isugu jira askar iyo saraakiil, waxaana ugu danbeeyay madixii amniga Shabaab ee gobolka Mudug oo dowladda isu soo dhiibay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More