Dagaalka Xamaas iyo Israaiil oo galay maalintii 3aad

Oct 09 (Jowhar.com)- Xiisada ayaa ka taagan Daanta Galbeed ee la haysto halkaas oo ay ku nool yihiin ilaa 2.8 milyan oo falastiiniyiin ah iyada oo ciidamada Israel ay soo rogeen bandow.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay dib ula wareegeen dhammaan bulshooyinka ku xeeran Gaza, in ka badan 48 saacadood kaddib markii Xamaas ay qaadday weerar lama filaan ah oo ay ku dhinteen in ka badan 700 oo qof Israa’iliyiin ah.

Wasiirka difaaca ee Israa’iil ayaa sheegay in uu amar ku bixiyay in la “go’doomeeyo” Gaza, lana jaro korantada, cunnada, shidaalka iyo biyaha deegaankaas.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Israa’iil ay duqaymo xagga cirka ah ku garaacday Gaza, waxayna Axaddii si rasmi ah ugu dhawaaqday dagaal ka dhan ah Xamaas.

Muuqaalo la soo bandhigay ayaa muujinaya argagaxa dhulka ka dhacay, waxaana ka mid ah weerar lagu qaaday goob ay ka socotay xaflad muusig oo ay samatabbixiyeyaashu sheegeen in ay heleen meydadka lix boqol oo ruux.

Muuqaallo kale ayaa muujinaya dad rayid ah oo Israa’iili ah oo la qabtay. Xamaas ayaa sheegtay inay gacanta ku hayso in ka badan 100 qof oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan ciidamada Israel.

In ka badan 550 falastiiniyiin ah ayaa dhintay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Qaza, waxaana daryeelka caafimaad ku adkeeyay Israa’iil oo awood u jartay dhulkaas.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan 120,000 oo reer Gazan ah ay ka barakaceen guryahoodii, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay hoy xaddidan u raadsadeen iskuullo.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 9 qof oo Mareykan ah xilli uu socdo dagaalka u dhaxeeya Xamaas iyo Israa’iil.

Isagoo la hadlayay warbaahinta CNN, Matthew Miller wuxuu sheegay in Washington ay fileyso in la xaqiijiyo dad kale oo Maraykan ah inay ku dhinteen Israa’iil.

Dhexdhexaadiyaal ka socda Qatar ayaa la xiriiray mas’uuliyiin ka tirsan Xamaas si ay isku dayaan in ay ka wada xaajoodaan siideynta haweenka iyo carruurta Israa’iil ee ay qabteen kooxda xagjirka ah oo loo dhaadhiciyay Gaza, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ilo xog ogaal ah oo ku saabsan wada-hadallada ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Qatariyiinta ay soo jeediyeen in Israa’iiliyiinta lagu beddelo 36 haween iyo carruur falastiiniyiin ah oo ku xiran Israa’iil.

Ilahan ayaa sheegay in wada-hadallada ay si wada jir ah ula socdeen Maraykanka. Hase yeeshee,Israa’iil iyo Xamaas midkoodna si toos ah ugama hadlin wararkaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More