Qof isku qarxiyay masjid ku yaala Baydhabo iyo wasiir lagu beegsaday.

July 29 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in qarax Ismiidaamin ah uu ka dhacay Masjid cusub oo dhawaan laga hirgaliyay xaafad ku dhow garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in Masjidka la isku qarxiyay uu ku sugnaa wasiirka Garsoorka iyo cadaalada Koofur Galbeed sheekh Xasan Lugbuur, waxaana ka dhashay khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dadka weerarka ku dhitay ay kujiraan Wasiirka la beegsaday, Wiil uu dhalay iyo kudhowaad 10 ruux oo kale oo isugu jira masuuliyiin, askar iyo Shacab.

Qaraxan ayaa ku soo beegmaya maalmo yar kadib markii qarax Ismiisaamin ah dhawaan lala eegtay gudoomiyihii Marko C/llaahi Waafoow oo ku sugnaa xarunta dowladda Hoose ee Marko

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More