Deni “Dadka dhahay Golayaal hala sameeyo, waa dad raba in Teendhada Carte dalkaan ku celiyaan waana khatar”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka digey in dalka dib loogu celiyo sidii uu ahaa labaatan sano kahor isagoo dhaliilay in la dhiso golayaal.
Siciid Deni oo xalay khudbad ka jeediyay magaalada Baydhabo oo lagu qabtay munaasbad lagu xusayay sanadguurada saddexaad ee doorashadii Madaxweynaha Koofurgalbeed Laftagareen ayaa ka digay abaabulka ay wadaan Midowga Musharrixiinta ee ah inay dhisaan Golayaal Qaran.

“Kuwa dhahaya nidaamkan ha la iska daayo oo Golayaal hala sameeyo waa dad raba in ay Teendhadii Carta dalkan ku celiyaan waana Khatar. Fikirkaas anigu wan ka digayaa” ayuu yiri Siciid deni.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ka hadlay arrimaha ciidamada waxana uu sheegay in lagu xoojin karo nidaamka federalka in ciidamada oo dhan marka laga reebo milatariga la hoosgeeyo Maamul goboleedyada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More