Deni oo bedelay mowqifkiisii Laascaanood kadib cadaadis uga yimid Axmed Karaash.

Jan. 02 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa bedelay mowaifkiisii xaaladda magaalada Laascaanood oo maalmahan dad badan ay ku laayeen ciidanka Somaliland.

Deni oo si caro leh uga hadlayay xaaladda cakiran ee magaaladaasi ayaa si cad u sheegay in gobalada Sool, Sanaag iyo Ceyn (SSC) ay yihiin dhul katirsan Puntland oo aysan ka gorgortameynin.

Waxa uu is dultaagay sababta shacabka loogu leynayo Laascaanood, wuxuuna ku sifeeyey iney tahay mid laga leeyahay ujeedooyin guracan oo kasoo horjeeda Soomaalinimada.

Waxa uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in looga baahan yahay bulshada Gobaladaas in ay midoobaan oo ay garowsadaan in la joogo xiligii midowga, siyaasiinta kasoo jeeda gobaladaas ee taabacsan Somaliland ayuu iyaguna ugu yeeray in damiirkoodu shaqeeyo.

Siciid Deni oo mudooyinka cadaadis uga imanayay kuxigeenkiisa Axmed Karaash oo deegaanadaasi ka soo jeeda ayaa ku dhawaaqay in ay diyaar u yihiin taageero, garab istaag iyo ciidankooda oo diyaar u ah difaaca dhulkooda.

Waxa uu hadalkiisa kusoo xiray in dhinaca Puntland mar kasta diyaar u tahay xal siyaasadeed iyo mid dagaal labada.

Si kastaba, Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa ka duwan mid uu dhawaan ka soo saaray xaaladda Laascaanood, warkaasii hore ayaa ahaa mid aan ka duwaneyn baaqyada guud ee loo dirayay Somaliland, si xaaladda xarunta gobolka Sool ay u dajiso, balse warkiisa maanta ayaa u muuqda in dulqaadkii ka dhamaaday oo ay talaabo qaadayaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More